1. Ujeeddooyinka Dugsiga
Dugsigan waa platform online ah oo loogu talagalay waxbarashada sare (College). Ujeeddadeedu waa inay ardayda siiso fursad ay ku baran karaan koorsooyin tayo leh oo ku saabsan culuumta kala duwan, iyagoo jooga meel kasta oo ay joogaan.
2. Shuruudaha Diiwaangelinta Ardayga
- Ardaygu waa inuu leeyahay da'da ugu yar 16 sano ama ka weyn.
- Waa inuu bixiyaa macluumaadka dhabta ah ee isaga la xiriira (magaca, email-ka, telefoonka).
- Email-ka la isticmaalo waa inuu yahay mid shaqeynaya oo isaga u gaar ah.
- Ardaygu waa inuu si buuxda u dhammaystiraa foomka diiwaangelinta.
3. Xeerarka Koorsooyinka
- Ardaygu waa inuu si joogto ah uga qayb qaataa koorsooyinka uu diiwaan galiyay.
- Waa inuu dhammaystiraa shaqada guriga (assignments) iyo imtixaannada waqtigooda.
- Ma jirto celcelin lacag ah oo la siiyo ardayga marka uu ka tago koorso ama dugsiga.
- Macluumaadka koorsooyinka waa inaan la wadaagin qof kale (copyright).
4. Isticmaalka Platform-ka
- Ardaygu waa inuu ilaaliyaa lambarka sirta ah (password) oo aan la wadaagin qof kale.
- Ma ahan la ogol in la isticmaalo platform-ka waxqabad xun ama dhibaato keeni kara.
- Waa inuu ardaygu leeyahay internet iyo qalab ku filan (computer/phone) si uu uga qayb qaato waxbarashada.
- Dugsigu wuxuu xaq u leeyahay inuu joojiyo ama xiro account-ka ardayga haddii uu jebiyo xeerarkan.
5. Ilaalinta Xogta (Privacy)
- Xogtaada shakhsiga ah (personal data) waxaa ilaaliya dugsiga sida uu u baahan yahay sharciga.
- Macluumaadkaaga ma la wadaagi doonno saddexaad (third parties) aan la heshiis ahayn.
- Waxaan isticmaalnaa xogtaada oo keliya si aan u hagaajino adeegyada waxbarashada.
6. Lacagaha Iyo Dib-u Celinta
- Haddii koorsooyin la iibiyo, lacagtu waa inay bixisaa ka hor inta aanan bilaabin koorsooyinka.
- Ma jirto dib-u-celin lacag ah haddii ardaygu isaga tago koorso kadib 48 saacadood.
- Dib-u-celinta lacagta waxay ku xiran tahay sababta iyo xaaladda gaarka ah.
7. Xeerarka Guud
Marka aad diiwaan gasho, waxaad aqbashaa inaad raacdo dhammaan xeerarkan. Dugsigu wuxuu xaq u leeyahay inuu beddelo shuruudahan marka uu baahan yahay, ardayguna waa inuu si joogto ah ula socdaa isbeddeladaas. Haddii aad qabto wax su'aal ah, fadlan la xiriir maamulka dugsiga.